Home / Somali News / Agaasimaha La Dagaalanka Burcad-badeeda Puntland oo Xilkii Laga Qaaday

Agaasimaha La Dagaalanka Burcad-badeeda Puntland oo Xilkii Laga Qaaday

Wareegto ka soo baxay Xafiisa Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  xilkii looga qaaday Agaasimaha Guud ee la dagaalanka burcad badeeda ee wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka ee Cabdirisaaq Maxamd Dirir (Ducaysane)

Wareegtada  oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Radiokulmiye ayaa lagu sheegay  in markii uu madaxweynuhu la tashaday Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka burcad-badeeda Siciid Maxamed, islamarkaana uu tixgaliyay  baahida loo qabo isbadalka iyo dardargalinta lagu sameeyo Ladagaalanka burcad badeeda Puntland uu xilkii ka qaaday agaasimaha.

Wareegtadan ayaa soo baxday iyadoo madaxweynaha iyo wasiirka dekedaha ay dalka dibadiisa ku maqan yihiin, waxaa kaloo ku soo beegantay iyadoo toddobaadkii hore dhalinyaro hubaysan ay xoog ku afduubeen markab shidaalka qaada oo lagu magacaabo ARS-13 oo marayay xeebaha Puntland, kaasi oo markii dambe ciidamada Badda Puntland ay ku khasbeen afduubayaashii inay ka degaan.

Gabagabadii, Wareegtada lagu sheegin cidda lagu bedelay agaasimaha, islamarkaana faahfaahin dheeraad ah lagama bixin sababta xilka loo qaaday Agaasime Ducaysane oo uu xilkan u magacaabay madaxweynihii hore Puntland C/raxman Maxamed Faroole.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.