Home / Somali News / Ahlusunna oo Dhuusamareeb ku Xir xirtay Dhalinyaro looga Shakisan yahay Al-shabaab

Ahlusunna oo Dhuusamareeb ku Xir xirtay Dhalinyaro looga Shakisan yahay Al-shabaab

Dhuusamareeb–KNN– Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Ahlusunna ay Magaalada ku xir xireen Tiro Dhalinyaro ah oo ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin Shabaab.

Dhalinyaradaan ayaa laga Aruuriyay Xaafadaha ay ka Kooban tahay Magaalada Dhuusamareeb,waxaana la dhigay Xabsiga dhexe ee Magaalada.

Saraakiil ka tirsan Ahlusunna ayaa sheegay in ay Baaritaan ku sameyn doonaan Dadkaan la qab qabtay islamarkaana ay kala saari doonaan.

Shalay ayaa Ciidanka Ahlusunna ay Duleedka Degaanka Mareergur ay ku qabteen Saddex Qof oo watay Gaari Kaarib ah oo ay sheegeen in ay la shaqeyaan Al-shabaab sida ay hadalka u dhigeen.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.