Home / Somali News / Al-shabaab oo dilay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ajaaniibta ka bar bar dagaalanta.

Al-shabaab oo dilay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ajaaniibta ka bar bar dagaalanta.

Nairobi-KNN- Warbaahinta kenya ayaa shaacisay in todobaadkii la soo dhaafay Al-shabaab ay dileen muwaadin kenya u dhashay oo ka tirsanaa Saraakiisha Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama.

Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation oo soo xiganayay ehelada sarkaalka la dilay iyo sirdoonka Kenya sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabayay Mustaf Hassan Maxamed.

Sarkaalkan ayaa la sheegay in la dilay todobaadkii hore, markii uu ka soo hor-jeestay weerarada Al-Shabaab ka geysanayeen gobolka waqooyi bari Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in muran soo kala dhex galay Sarkaalkan iyo Taliyeyaashiisa ay keentay in la dilo.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.