Home / Somali News / Al-Shabaab oo ka hadlay Dagaalkii Buula-Barde.

Al-Shabaab oo ka hadlay Dagaalkii Buula-Barde.

Buula–Barde-KNN-Warbaahinta Al-Shabaab ayaa lagu daabacay in ay guulo wanaagsan ka gaareen Dagaal Culus oo xalay ilaa saakay ka socday Degmada Buula-Barde ee Gobalka Hiiraan.

Al-shabaab ayaa sheegay in ay qasaaro culus ay gaarsiiyeen Ciidamada Jabuuti iyo Kuwa Dowladda waqti koobana ay la wareegeen Degmadaasi.

Al-Shabaab ayaa Sheegay in ay dileen Ciidan ka tirsan Kuwa Jabuuti oo kusugnaa Degmadaasi waxaana wali ka maqan Isgaarsiinta Deegaanka.

Dagaalaayaasha Al-Shabaab ayaa Sheegay in ay garoonka diyaaradaha ee Buula barde ay soo caga dhigatay laba diyaaradood oo laga leeyahay UN-ka kuwaas oo ay ku sheegeen in ay dhaawacyo ku qaadayeen.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.