Home / Somali News / Al-shabaab oo Labo Nin Gacanta uga jaray Gobolka Bakool

Al-shabaab oo Labo Nin Gacanta uga jaray Gobolka Bakool

Tiyeeglow–KNN– Wararka ka imaanaya Degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Al-shabaab Fagaare ku yaalla Degmada Tiyeeglow ay Gacmaha uga jareen Labo Nin oo ka mid ahaa dadka Degaanka.

Labada Nin ee Shabaabku ay Gacmaha ka jareen ayaa lagu kala Magacaabaa Aadan Muxamed Nuur oo 42 Sano jir ah  iyo Isxaaq Aadan Xasan oo 23 jir ah ,waxaana ay ku Eedeeyeen in ay  jabsadee dukaan ku yaala Tiyeeglow ayna  kala baxeen lacag dhan Labo iyo Toban Milinyan oo Shilin Somali ah.

Goobta ay Gacmaha uga jareen Labada Nin Al-shabaab ayaa waxaa ku sugnaa dadweyne ay ka soo Aruuriyeen Degmada Tiyeeglow si ay Goobjoog uga noqdaan.

Al-shabaab ayaa Dhowr Jeer falalka Nuucaan oo kale ah ka fuliyay Goobaha ay Maamulaan ee ka mida Gobolada dalkeena Soomaaliya.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.