Home / Keydka Sawirada / BBC iyo Tv-ga Kalsan oo Heshiis ku gaaray Magaalada London”Sawiro”

BBC iyo Tv-ga Kalsan oo Heshiis ku gaaray Magaalada London”Sawiro”

London–KNN–Waxaa Magaalada London Heshiis warfaafineed oo caalami ah uu ku dhexmaray Hay’ada BBC iyo Tvga Kalsan,  heshiiskan wuxuu u ogolaanayaa Bbc in ay dhexmaraan kalsantv si ay ubaahiyaan Tv cusub oo loo sameeyay laanta af soomaaliga ee BBC London.
Heshiiskan waxaa kala saxiixday Agaasimaha guud ee Kalsan Khaliif Ali iyo Fran anworth oo ah Director world servise group .
Waxaa goob joog ka ahaa c/qaadir Nadaara oo ah tifaftiraha guud ee kalsan tv iyo masuuliyiin ka socotay labada dhinac.
Tvga cusub ee BBC Somali wuxuu bilaaban doona bisha April 2017 balse isagoo tijaabo ah ayuu socon doonaa laga bilaabo todobaadka danbe.
Wuxuu marka hore ku bilaaban doonaa 15 daqiiqo ilaa marka danbe uu gaari doono labo saac oo xiriir ah.
Xiliyada ladaawan doono waa 8:00pm xiliga geeska afrika.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.