Home / Somali News / Dad badan oo ku nafwaayay roobab Saacadihii la soo dhaafay ka da’ay M/Muqdisho

Dad badan oo ku nafwaayay roobab Saacadihii la soo dhaafay ka da’ay M/Muqdisho

Muqdisho-KNN- ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhintay roobab Saacadihii la soo dhaafay ka hooray Guud ahaan Magaalada muqdisho waxaana sidoo kale ku bur buray hanti badan oo ay ku jiraan mid ganacsi iyo guryo la daganaa.

Dadka dhintay ayaa Afar ka mid ah waxay ku dhintayn Boondheere halka labada kalane ay ku dhintayn Deyniile gaar ahaan warshadda taraqa iyo sigaarka.

Boondheere 2 canug iyo Nin oday ah ayaa daad qaaday halka 1 wiil oo kaligiis guri jiifayna uu ku soo dumay sidoo kale 2 wiil oo dhalinyaro ah ayaa ku geeriyooday Deyniile kadib markii uu guri ku soo dumay waxaana meydkooda saakay laga helay guriga dhaxdiisa.

Goobo Ganacsi ayaa daad qaaday iyo guryo ka sameysnaa Kartooman oo iyagana ku bur buray Magaalada Muqdisho.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.