Home / Somali News / Dad Gaajo Iyo Haraad Ugu Geeriyooday Qeybo Kamid ah Jubbaland.

Dad Gaajo Iyo Haraad Ugu Geeriyooday Qeybo Kamid ah Jubbaland.

Kismaayo–KNN– Guddiga Gurmadka Abaaraha Jubbaland oo sheegay in gobollada Jubbada Dhexe iyo Gedo ay ugu geeriyoodeen ku dhawaad 30 qof Abaarta iyo macluusha halkaasi kajirta

Deegaannada laga sheegayo Abaaraha daran oo ay dadka ugu geeriyoodeen macluusha ayaa waxaa ka mid ah Salagle, Saakow, Bu’aale Garbahaarey iyo deegaano kale oo ka wada tirsan Jubbaland.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ahna Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in 36-kii saac ee ugu dambeysay Jubbaland ay 26-qof ku geeriyoodeen deegaannada hoos taga, wuxuuna ku baaqay in gurmad ballaaran loo sameeyo dadka ku nool deegaanadaasi.

Magaalada Kismaayo ayaa muddooyinkani waxaa si weyn uga socday abaabul loogu gurmanayo dadka ay abaaraha saameeyeen, kuwaasoo ay iska kaashanayaan qeybaha bulshada iyo maamulka Jubbaland.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.