Home / Somali News / Dhacdo Naxdin leh:- Nin Xalay Xaaskiisa oo Uur leh ku dilay Sh/dhexe

Dhacdo Naxdin leh:- Nin Xalay Xaaskiisa oo Uur leh ku dilay Sh/dhexe

Tugaarey–KNN– Dhacdadaan oo ah mid aad u Xanuun badan ayaa Xalay ka dhacday Tuulada Tugaarey oo Hoostagta Degmada Jowhar Ee Xarunta Maamul Goboleedka Hirshebeelle ahna Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.

Nin lagu Magacaabo C/llaahi Isaaq oo Beeraley ah ayaa Xalay Xaaskiisa oo Uur leh ku dilay Tuuladaasi lagu Magacaabo Tugaarey,waxaana la sheegay inuu Dhowr Xabadood qaarka hore ee Jirka uga dhuftay Xaaskiisa.

Intaas ka dib ayaa Ninkii Dilay xaaskisa waxaa Gacanta ku dhigay Ehelkiisa,iyadoo lagu wado in Maanta halkaas ay tagaan Mas’uuliyiin  ka tirsan Maamulka Hirshabeelle laguna soo wareejin doono Gacan ku dhiiglaha.

Dadka Degaanka ayaa sheegay in Ninka Dilay Xaaskiisa oo ka yimid Beero falid uu Xaaskiisa u dirsaday Biyo kadib markii ay kala soo Daahdayna uu dilay.

Dadka Degaanka ayaa Arrintaan ay ku noqotay Amakaag iyo Fajiciso,iyadoo dhacdooyinka nuucaan oo kale ah ay Soomaaliya ka dhaceen Dhowr jeer.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.