Home / Somali News / Dhageyso:- C/raxmaan Faroole oo Weerar Afka ah ku qaaday Wasiirka Dastuurka Soomaaliya

Dhageyso:- C/raxmaan Faroole oo Weerar Afka ah ku qaaday Wasiirka Dastuurka Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee Puntland haddana ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa si kulul uga hadlay Arrimaha Dastuurka Soomaaliya iyo Socdaal uu Wasiirka Dastuurka Xoosh Jabriil uu ku tagay Magaalada Garowe.

C/raxmaan faroole ayaa sheegay in Wasiir Xoosh uu Faragelin ku sameeyay Dastuurka KMG Soomaaliya qaarna uu qalday,waxaana uu intaa ku daray Sanatar Faroole in Dastuurkaan horay dhib badan looga soo maray Shaqsiyaadna aysan waxba ka badali karin.

Sanatar faroole ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jabriil uu Faraha kula jiro Shaqadii ay qaban lahaayeen Baarlamaanka Labada Gole islamarkaana uu hadda wado Marin Habaabin Bulshada lagu qaldayo.

Halkaan Hoose ka dhaegyso Codka Faroole

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.