Home / Somali News / Dhageyso:-Iskuulka Cimraan Bini Xuseen oo Maanta ay Arday badan ka Qalin-jabiyeen

Dhageyso:-Iskuulka Cimraan Bini Xuseen oo Maanta ay Arday badan ka Qalin-jabiyeen

Muqdisho–KNN– Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Cimraan Bini Xuseen oo ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa ka Qalin-jabiyay Dufcaddii 15-aad ee ka Af-laxda Iskuulka Cimraan Bini Xuseen,waxaana Ardayda Maanta loo qabtay xafladda Qalin-jabinta ah ay gaarayeen 75 Arday,waxaan ay dhameysteen Waxbarashada Dugsiga Sare.

Xafladda ayaa waxaa ka hadlay Macalimiin,Profesaro,Waalidiinta dhalay Ubadka Maanta Qalinjabiyay iyo Marti kale oo lagu Casuumay.

Maamulaha Guud ee Iskuulka Cimraan Bini Xuseen oo lagu Magacaabo Cimraan Mayow Abuu Xuseen oo ka hadlay Xafladda Qalinjabinta ayaa sheegay in Iskuulka imntii uu jiray ay ka baxeen illaa 15 Dufcadood islamarkaana Iskuulka Cimraan Bini Xuseen uu Hormuud u yahay Waxbarashada ka jirta Soomaaliya.

Halkaan Hoose ka dhageyso Warbixin Kooban 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.