Home / Somali News / Dowladda Kenya oo War ka soo saartay Booqashada Madaxweyne Farmaajo

Dowladda Kenya oo War ka soo saartay Booqashada Madaxweyne Farmaajo

Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Booqasho Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku tagayo Wadankeeda,waxaana Kenya ay sheegtay in Madaxweyne farmaajo uu Booqasho rasmi ah ku imaan doono Wadankeeda.

Madaxtooyada Kenya ayaa Shaacisay in Khamiista soo socota uu Madaxweyne Farmaajo uu imaan doono Magaalada Nairobi islamarkaana uu ka qeyb geli doono Shir looga hadlayo Qaxootiga oo Urur Goboleedka IGAD ay Nairobi ku yeelan doonaan.

Booqashada Farmaajo ayaa ah middii Labaad oo uu Dalka kaga baxayo tan iyo markii La doortay 8-dii Bishii February ,waxaana Booqashadii Koowaad uu ku tagay Wadanka Sacuudiga.

Maalin ka hor ayey aheyd Markii Madaxweynaha Kenya uu Booqasho Qarsoodi ah ku yimid Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan Degmada Dhoobley,waxaana uu halkaas kula kulmay Ciidamo Kenyan ah,inkastoo la sheegay in Dowladda Federaalka ay ka Carootay Booqashadaas Qarsodiga ah ee Uhuru Kenyatta.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.