Home / Somali News / Ethiopia oo xukun ku riday rag Al-shabaabnimo lagu helay

Ethiopia oo xukun ku riday rag Al-shabaabnimo lagu helay

Maxkamad ku taala dalka Ethiopia ayaa xukun ku riday 23-qof oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin dhaq dhaqaaqa Al-shabaab waxaana lagu riday xukun 15sano xabsi ah.

Maxkamad Federaal oo ku taala caasimada Adis ababa ayaa u soo jeedisay eedesanayaashan inay qorsheenayeen weeraro ay ka fuliyaan wadankaasi sanadkii 2010-ki.

Mas’uuliyiinta Maxkamada ayaa sheegay in dadkaan ay diyaar garow ugu jireen dowlad islaami ah ay ka aas aasaan Ethiopia.

Waxaa eedeymaha lagu haysto kamid ah in ay askareenayeen muwadiininta wadankasi oo ay u soo diraayen Soomaaliya.

Xukunka ragaan lagu riday ayaa imaanaya laba todobaad kadib markii Ethiopia ay sheegtay inay gacan ka geeysanayso la dagaalanka  Al-shabaab.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.