Home / Somali News / Faaf-faahin:- Ganacsade Caan ah oo Xalay lagu dilay Baledweyne

Faaf-faahin:- Ganacsade Caan ah oo Xalay lagu dilay Baledweyne

Baled-weyne–KNN–Kooxo hubeysan ayaa Xalay xaafada Howl-wadaag ee galbeedka magaalada Beledweyn ku dilay Ganacsade caan ahaa, iyadoo kooxdii hubeysneyd ee dilka geysatay ay baxsadeen.

Ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabo jiray Ibraahim Cismaan Muumin oo loo yaqaanay Ibraahim Fanax, kaasoo caan ka ahaa magaalada.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu la shaqeyn jiray Shirkad lagu magacaabo Goobaalle oo horay u dhistay inta badan goobaha Danta Guud ee xaafadaha Beledweyn.

Ciidamo ka tirsan dowladda oo gaaray halka lagu dilay ganacsada ayaa u suura gelin inay gacanta ku soo dhigaan kooxdii dilka geystay, iyagoo baaritaan kooban sameeyay.

Dhowr jeer oo hore ayaa magaalada Beledweyn waxaa lagu dilay Ganacsato, odayaal dhaqameed iyo culumaa’udiin, waxaana dilalkan ay ahaayeen kuwo silsilado ah oo lagu bartilmaameedsaday dadka wax galka u ah bulshada.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.