Home / Keydka Sawirada / Faah-faahin Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain”Sawiro”

Faah-faahin Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain”Sawiro”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ku qaabilay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain Boris Johnson oo saaka booqasho aan horay loo sii shaacin ku soo gaaray magaalada Muqdisho.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha gargaarka sama falka ee UK siineyso Soomaaliya, abaaraha iyo shirka London ee bisha May dhici doona.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain Boris Johnson ayaa soo dhoweeyay doorashadii bil ka hor ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay horumar ka sameyneyso dhinaca dimoqraadiyada.

Booqashada Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain ayaa ah mid hal maalin ah, waxaa la filayaa inuu shir jaraa’id kaga hadlo safarkiisa.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.