Home / Somali News / Ganacsatada Qaadka oo maalinta labaad Qaad ka dejisay magaalada Jowhar

Ganacsatada Qaadka oo maalinta labaad Qaad ka dejisay magaalada Jowhar

Ganacsatada qaadka ka keenta dalka Kenya ee geyn jiray magaalada Muqdisho ayaa maalintii labaad waxay mar kale ka soo dejiyeen Qaad garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Dhowr Diyaaradood oo Qaad sida ayaa saaka ka degay garoonka diyaaradaha Jowhar, iyadoo saaka la arkay gaadiid fara badan oo durbaba bilaabay inuu qaadka u daabulo magaalada Muqdisho.

Khilaaf u dhaxeeya Ganacsatada Qaadka iyo Wasaaradda Maaliyadda ayaa sababay in Ganacsatada go’aan ku gaaraan in aysan Muqdisho ka dejin diyaaradihii Qaadka, kaddib markii canshuuro dheeraad ah lagu kordhiyay.

Ganacsatada ayaa ka cabanaya in halkii Kiilo ee Qaad lagu canshuurayo wixii hada ka dambeeyay lacag dhan 53,000 shiling Soomaali, iyadoo dollar ahaan u dhigmo $2.5 (Labo Dollar iyo Bar), halka markii hore lagu canshuuri jiray 43,000 shiling Somali $1.5, (Hal Dollar iyo Bar).

Mid ka mid ah ganacsatada qaadka ayaa u sheegay shabakada Jowhar.com in adeeg wanaagsan iyo soo dhoweynba ay ka heleen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Sh/dhexe ayna u mahadcelinayaan.

Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa maalintii labaad lumineysa kumanaan dollar oo ka soo geli jiray Canshuuraha laga qaado Qaadka laga keena dalka Kenya, waxaana tani ay faa’ido iyo fursadba u tahay Maamulka Hirshabeelle.

Ganacsatada Qaadka ayaa ku adkeysanaya in aysan marnaba ka laaban doonin go’aankooda ay Qaadka uga joojiyaan, inta arrintan ka soo fara gelinayana Madaxda dowladda, isla markaana wax laga qabanayo xaaladan soo korortay.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.