Home / Somali News / Hirshabelle oo Ciidamo u dirtay Degaanadii Lagu Dagaalamay Ee G/Sh/Dhexe

Hirshabelle oo Ciidamo u dirtay Degaanadii Lagu Dagaalamay Ee G/Sh/Dhexe

Balcad–KNN–Maamulka Degmada Balcad Ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa sheegay in ay Ciidamo kala dhexgala Maleeshiyaadkii ku Dagaalamay inta u dhexeysa Afgooye iyo Balcad ay u direen si ay u joojiyaan Dagaalka halkaas ka dhacay.

Guddoomiye Kuxigeenka Degmada Balcad jeele Maxaas jiinbaar oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in Ciidamada Degmada ay ku baxeen Goobihii lagu Dagaalamay islamarkaana ay rajeynayaan in ay Xaliyaan Gacan ka hadalka ka dhashay Dagaal Beeleedka.

Dagaalkii Shalay ka dhacay Aagaas ayaa waxaa ku dhintay illaa 5 Qof oo Ilmo yar ay ku jiraan,waxaana Saakay Degen Xaaladda Goobihii Dagaaladu ay ka dhaceen.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.