Home / Somali News / Imaaraadka oo la ogaaday inuu Jabsaday Wakaaladda Wararka Qatar”

Imaaraadka oo la ogaaday inuu Jabsaday Wakaaladda Wararka Qatar”

Saraakiil ka tirsan sirdoonka dalkan Mareykanka ayaa sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay ay abaabushay jabsashaddii loogu dusay bogga internetka ee wakaaladda wararka ee Qatar.

Wakaaladda ayaa waxaa kadib lagu qoray qoraal loo nisbeeyey amiirka Qatar oo qiil looga dhigtay in dalal ay Sacuudiga iyo Imaaraadka hor kacayaan ay xiriirka u jaraan dowladda Qatar bilowgii bishii la soo dhaafay.

Sheekada saraakiishan sirdoonka oo magacooda la qariyay ayaa lagu daabacay wargeyska the Washington Post ee ka soo baxa dalkan Mareykanka.

Khilaafka Dowladda Qadar iyo Dalalka Khaliijka ka dhex aloosan ayaa saameyn ku yeeshay Siyaasadda Soomaaliya,waxaana Dowladda Soomaaliya ay Khilaafka Dowladda Qadar iyo Dalalka Xariirka u jaray ay ka qaadatay Go’aan dhex dhexaad ah,iyadoo Siyaasiin badan oo Soomaaliyeed ay Go’aankaas ka horyimaadeen oo ay sheegeen in Dowladda Soomaaliya laga rabay in Sacuudiga ay la Safato oo aysan Go’aan dhex dhexaad ah qaadan.

 

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.