Home / Somali News / Gudoonka Baarlamaanka oo Tacsi U Diray Xildhibaan Prof Maxamed Faarax Jimcaale oo Muqdisho Ku Geeriyooday (WARSAXAAFADEED)

Gudoonka Baarlamaanka oo Tacsi U Diray Xildhibaan Prof Maxamed Faarax Jimcaale oo Muqdisho Ku Geeriyooday (WARSAXAAFADEED)

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cismaan jawaari ayaa tacsi u diray Allaha u naxariistee
Prof Maxamed Faarax Jimcaale oo ka mid ahaa Xildhibaannada
Baarlamaanka Soomaaliya oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka
ayaa yiri “INAA LILAALIHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN waxaan rabaa inaan
halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diro Allaha u naxariistee Walaalkeen
Prof Maxamed Faarax Jimcaale oo ka mid ahaa Xildhibaannada
Baarlamaanka kaasi oo  ku geeriyooday magaalada Muqdisho,runtii
waa geeri naxdin leh”

“Waxa uu ahaa Xildhibaanka geeriyooday xildhibaannada ugu fir fircoon
ee Baarlamaanka waxaanna Alle uga baryayaa inuu siiyo naxariistiisa
jano, si gaar ah anigoo ku hadla magaca Golaha Shacabka waxaan tacsi
tiiraanyo leh ugu dirayaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey
marxuum Maxamed Faarax Jimcaale” ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey
Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Allaha u naxariistee Prof Maxamed Faarax Jimcaale oo ka mid ahaa
Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday
fiidnimadii hore ee caawa Isbitalka Madiina ee magaalada Muqdisho
ayadoo xildhibaankana uu u geeriyooday xanuun si deg deg ah ulasoo
dersay.

—DHAMAAD—-

Comments are closed.

Scroll To Top
AWSOM Powered