Home / Barnaamijyo / Maqal / Madaxtooyada Somaliya oo war kasoo saartay hadal Somalida maanta isla dhexmareysay (DHAGEYSO)

Madaxtooyada Somaliya oo war kasoo saartay hadal Somalida maanta isla dhexmareysay (DHAGEYSO)

Muqdisho–KNN–Warar maanta la isla dhexmarayey magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Somaliya ama Somalida qurbaha joogta ayaa waxa uu sheegayey in madaxweynaha Dalka mudane Xasan Shiikh uu geeriyooday laakiin wararkaasi waxa beeniyey madaxtooyada Somaliya.

Afhayeenka Madaxweynaha Mudane Injineer C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) ayaa waxa uu duhurnimadii bogiisa gaarka ah ee Facebook-ga waxa uu soo dhigay qoraal gaaban uu kaga hadlayo arintaasi.

“Madaxweynaha Somaliya waa wanaagsan yahay,caafimaadkiisa wax dhibaato ah ma qabo.waxaa fariintaan ku cadeynayaa oo kuwo barabagaando ah inay ku yihiin ku sheegeenaa wararka la isla dhexmarayo,dhamaan wararkaasi waa been,ayuu yiri Yariisoow”

 

Halkaan ka dhageyso wararkaasi oo si kooban aan uga hadalnay

 

 

 

 

Scroll To Top
AWSOM Powered