Home / Somali News / Maxkamada Ciidamada qalabka Sida oo saaka Xukun dil ah fulisay

Maxkamada Ciidamada qalabka Sida oo saaka Xukun dil ah fulisay

Muqdisho–KNN–Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxay saaka xukun  dil ah ku fulisay Askari katirsanaa ciidamada xoogga oo hore dil ugeystay.

Fagaaraha kuyaalla Iskool Boliisiyo ayaa waxa laga fuliyey Xukunka dilka ahaa waxaana goob joog ka ahaa gudoomiyaha maxkamada ciidamada Qalabka Sida,saraakiil ciidan,dadweyne ka yimid degmooyinka Muqdisho qaarkood.

Maslax Ciise Iimaan oo ahaa askariga la toogtay ayaa waxa maxkamadu ay sheegtay in dilkiisa uu bilow unoqon doono xukuno kale oo maalmaha soo socda ay fulin doonaan.