Home / Somali News / Ku dhawaad labo kun oo Milatari ah oo Maanta laga saaray M/Muqdisho

Ku dhawaad labo kun oo Milatari ah oo Maanta laga saaray M/Muqdisho

Muqdisho-KNN- Taliska Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka saaray 1500 oo Askari oo ka mid Ciidanka Xoogga Soomaaliya kuwaas ku sugnaa Xarumaha Milatariga ee M/Muqdisho.

General C/llaahi Cali Caanood Ammaan-duulaha Ciidanka Soomaaliya ayaa la sheegay in uu hogaaminaayo Ciidanka waxaana la geeyay Saldhigga Balli-doogle ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Ciidanka la qaaday ayaa ubadan kuwii shalay gadoodka ka sameeyay Magaalada Muqdisho iyadoo dhinaca kale General Caanood uu ku dhaawaqay in ciidankaan ay ka mid noqon doonaan Howl-gal looga Soo horjeedo Al-shabaab oo dhawaan ka bilaaban doona Soomaaliya.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.