Home / Somali News / Kulan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya lahaayeen oo maanta Baaqday.

Kulan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya lahaayeen oo maanta Baaqday.

Muqdisho–KNN–Waxaa dib u dhac ku yimid kulan aan caadi aheyn oo Xildhibaanada Baarlamaanka saaka ku yeelan lahaayeen Xarunta Golaha shacabka, kaddib markii tiradii loo baahnaa ee uu kooramka ku furmi lahaa la waayay.

Kulankan ayaa ahaa mid albaabada u xirnaa oo goor sii horeysay lagu wargeliyay saxaafada in aanay goob joog ka noqoneyn, waxaana uu ahaan lahaa kulan su’aalo isku weydiiyaan Xildhibaanada iyo Guddoonka Baarlamaanka.

Arrimaha la filayay ee kulankan looga hadli lahaa ayaa ahaa xaalada dalka, sida siyaasada, arrimaha u dhaxeeya baarlamaanka iyo kala tabasho dhexdooda.

Sidoo kale waxaa qorshaha u ahaa in laga hadlo oo Xildhibaanada iyo Guddoonka ay dood kulul ka yeeshaan fara gelinta maalmahan soo baxeysay ee Guddoonka ku hayay arrimaha dhismaha xukuumadda.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa markii dambe iclaamiyay in kulanka aanu qabsoomi karin, maadaama la heli waayay kooramkii loo baahnaa inuu ku furmo.

Waa kulankii u horeeyay ee kalfadhiga koowaad ee Baarlamaankan cusub oo kooram la’aan u baaqdo, iyadoo la xusuusto in Baarlamaankii hore uu kalfadhiyadiisa qaar ay hareeyeen kooram la’aan iyo Xildhibaanada oo aan soo xaadiri jirin badankood.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.