Home / Somali News / Madaxweynaha Galmudug oo la sheegay in 28-ka Bishaan la dooran doono

Madaxweynaha Galmudug oo la sheegay in 28-ka Bishaan la dooran doono

Cadaado–KNN– Guddiga Doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in Doorashada Madaxweynaha Galmudug la qaban doono 28-ka Bishaan islamarkaana Galmudug lagu dooran doono Madaxweynaha Maamulkaas.

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa Tilmaamay in Qabashada Araajida Musharaxiinta doonaya in ay u Tartamaan Xilka Madaxweynaha Galmudug ay ku Egtahay 25-ka Bishaan haddana ay Derder u socoto Qaban Qaabada loogu diyaar garoobayo Doorashada.

Dhanka kale war ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu Galmudug ka dalbanayo in Doorashada Madaxweynaha Galmudug dib loo dhigo 45 Maalmood si Galmudug looga dhiso Maamul ay u dhan yihiin Bulshada Reer Galmudug oo Sal adag leh.

Hayeeshee waxaan la ogeyn in Galmudug ay Aqbali doonto iyo in kale hadalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku dalbanayo in dib loo dhigo Doorashada Galmudug.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.