Home / Somali News / Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Baraawe ee G/Shabeelaha Hoose.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Baraawe ee G/Shabeelaha Hoose.

Baraawe-KNN-  Shariif Xassan Shiikh Aadan iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa Goordhaw Gaaray Magaalada Baraawe ee G/Sh/Hoose.

Bashiir Maxamed Yuusuf Gudoomiye Ku Xigeynka Degmada Baraawe ayaa KNN usheegay in Madaxweynaha iyo Xubno ka mid ah Wasiirada iyo Xildhibaanada Maamulkaasi Koonfur Galbeed ay soo Gaareen Baraawe.

Wafdiga ayaa hadda wada Kormeer ay ku tagayaan Xarumaha Ciidanka iyo Xrumaha Maamulka Degmada waxaana Hakad ku jira isku socodka Gaadiidka iyo Dadka.

Baraawe waa Xarunta Maamulka Koonfur oo hadda Si Kumeel Gaar ah udaggan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.