Home / Somali News / Madaxweynaha Soomaali-land oo wadamda reer galbeedka ku eedeeyay in ay Faragilin ku haayaan Arimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaali-land oo wadamda reer galbeedka ku eedeeyay in ay Faragilin ku haayaan Arimaha Soomaaliya.

Hargeysa-KNN- Madaxweynaha Soomaali-land Axmed Maxamed Siilaanyo oo maanta jeediyay Khudbad loogu talagalay 18-ka may oo ku beegan xilligii Soomaali-land sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa ka hadlay Arimaha Soomaaliya iyo Soomaali-land waxa uu na eedeen usoo jeediyay Wadamada reer galbeedka.

Siilaanyo ayaa sheegay in wadamada reer yurub iyo mareykanka ay wadaan iska horkeenida Soomaalia-land iyo Soomaaliya gaar ahaan dhinaca wadahalka iyo sidii loogu casuumay Soomaali-land shirkii London.

“wadamada yurub iyo mareykanka waxay wadaan qorshe aan ku jirin danaha Soomaali-land sidaas darteed waxaan ka codsaneynaa in ay faraha kala baxaan Arimhayena” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaali-land.

Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay in aan si wanaagsan loogu casuumin Shirkii London ee looga hadlaayay Arimaha Soomaaliya taasna ay aheyd wax aan loo dul qaadan karin.

Soomaali-land ayaa maanta looga dabaal dagayaa Maalinta ay u aqoonsan yihiin Markii ay ka go’ayn Soomaaliya inteeda kale.

 

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.