Home / Somali News / Madaxweynaha Soomaaliya oo biri u duulaya Dalka Sacuudiga.

Madaxweynaha Soomaaliya oo biri u duulaya Dalka Sacuudiga.

Muqdisho-KNN- Ilo ku dhaw dhaw Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa KNN u xaqiijiyay in maalinta biri ah Madaxweynha iyo Wafdi uu hogaaminaayo ay u dhoofi doonaan M/riyaad ee xarunta Dalka sacuudiga.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb gali doona shirka hogaaminaaysha Carabta iyo Madaxweynaha Mareykanka Trump shirkaasi oo ah shir sanadkiiba ay mar yeeshaan hogaamiyaasha Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka ee markaas Talada haaya.

Safarka madaxweynaha ayaa noqonaya Safarkii 8aad ee uu dalka kaga baxo waxa uuna sidoo kale noqon doonaa safarkii labaad ee uu ku tago dalka sacuudiga.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.