Home / Somali News / Madaxweynaha Soomaaliya oo Tacsi u diray Boqortooyada Sacuudiga.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Tacsi u diray Boqortooyada Sacuudiga.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi Maxamed ayaa Fariin tacsi ah u diray Qoyska Boqortooyada Sacuudiga isagoo uga tacsiyeeyay Alle ha u naxariistee Amiir C/raxmaan Bin Cabdul Casiis oo ku geeriyooday Dalkaasi.

Barta Twitter-ka ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu soo qoray tacsida Madaxweynaha isagoo sheegay in uu la qeyb sanaayo murugada geerida.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo wakiil ka ah Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed  ayaa wuxuu Alle ugu baryay inuu Janada Fardowso ka waraabiyo Amiirka Dhintay, sidoo kalana uu samir ka siiyo dowladda iyo shacabka uu ka baxay”ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay Bogga Twitter-ka rasmiga ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga rajeeyay Badbaado iyo Caafimaad qab Masuuliyiinta iyo Shacabka Boqortooyada Sacuudiga.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.