Home / Dhacdooyin / Madaxweyne Farmaajo oo Danjireyaasha Dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya kala hadlay Derder gelinta Dagaalka Shabaab”Sawiro”

Madaxweyne Farmaajo oo Danjireyaasha Dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya kala hadlay Derder gelinta Dagaalka Shabaab”Sawiro”

Muqdisho–KNN–Madaxwyenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan looga hadlay  howlgalka AMISOM la qaatay safiiradaa dalalka ciidammadooda joogaan Soomaaliya iyo Saraakiishooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isu yeeray safiirrada dalalkooda ay ku jiraan ciidammada AMISOM iyo saraakiishooda, waxaana uu kala hadlay howlgalka AMISOM iyo in ay muhiim tahay waqtigaan dardargelinta howlgallada ka dhan ah Al-shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey AMISOM iyo madaxdooda sida ay ciidammada Soomaaliyeed u gacan siiyeen, laakiin waxa uu xusay in lagama maarmaan ay tahay in ciidammada Qalabka Sida  ee Soomaaliya loo diyaariyo dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin sida qalabka iyo waxyaabaha kale ee la xiriira awooddooda, AMISOM-na looga baahan yahay in ay gacan ka geystaan  dhismaha ciidammada Soomaaliyeed ee marka ugu dambeysa AMISOM kala wareegi doona amniga guud ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in dalka gobollo badan oo ka tirsan ay ka jiraan Abaaro, sidaa darteedna ay waajib tahay in  si nabad ah dadka loo gaarsiiyo gurmadka ay u baahan yihiin, iyadoo ay iska kaashanayaan dowladda, ciidammada Qalabka Sida iyo AMISOM oo wadajira.

Kulan waxaa joogey oo madaxweynaha ku wehliyey, Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, taliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha agaasimaha Guud ee madaxtooyada, safiirka Soomaaliya ee Kenya iyo howl-wadeenno kale, waxaana la isku afgartay in  si deg deg ah loo dardargaliyo howlgallada lagula Dagaalamayo Al-shabaab.

Xigasho SONNA

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.