Home / Dhacdooyin / Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Britain.

Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Britain.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,  ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Ingariiska u soo magcaabdey Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka cusub ee dowladda Ingariiska ayaa wada qaatay kulan waxaana ay ka wada hadleen xiriirka labada dowladooda iyo  sii amba-qaadidda wada shaqeyn ka dhaxeya.

Sidoo kale waxaa laga hadlay taageerada Ingariiska Soomaaliya uu siiyo ee dhinacyada amniga, ciidanka, dhaqaalaha iyo midka siyaasadda, madaxweynaha ayaana uga mahadceliyey arrimahaasi.

David William Concor Safiirka cusub iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ayaa kawada hadley shir Ingriisku u qabanayo arrimaha Soomaaliya oo sanadkan ka dhacay magaalada London kaas oo uu shir guddoomin doono Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen xaaladda abaarta iyo digniinta laga soo saarey macalusha ay qarka u saaran yihiin kumaankun qof oo Soomaali ah iyo sida Britian ay gacan uga geysan karto.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.