Home / Somali News / Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo Gaalkacyo kula Shiray Saraakiisha Amniga

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo Gaalkacyo kula Shiray Saraakiisha Amniga

Gaalkacyo-KNN–Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Puntland C/xakiin C/llaahi Cumar Cameey ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,waxaana uu Waqooyiga Gaalkacyo kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Puntland ee Gobolka Mudug.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa Kulan ay Albaabadu xiran yihiin la qaatay Madaxda Maamulka Gobolka Mudug Ee Puntland iyo Saraakiisha Ciidamada,waxaana uu kala hadlay Ammaanka Gobolka Mudug iyo Heshiiskii Maamulada Puntland iyo Galmudug halka uu ku dambeeyay.

C/xakiin C/llaahi Cumar Cameey ayaa faray Laamaha Ammaanka Gobolka Mudug ee Puntland in ay Xaqiijiyaan Ammaanka Gaalkacyo oo Mudooyinkii dambe ay ka jireen Dilal Qorsheysan.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.