Home / Somali News / Madaxweyne Xaaf oo la kulmay Wafdi ka socda Midawga Yurub

Madaxweyne Xaaf oo la kulmay Wafdi ka socda Midawga Yurub

Muqdisho–KNN–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kula Kulmay Wafdi ka socda Midawga Yurub,waxaana ay ka wada hadleen Arrimo Dhowr ah.

Wafdiga Maanta kulanka la qaatay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxa ay ka wada hadleen waxaa kamid ahaa in Midawga Yurub uu Maamulka Galmudug u Fidiyo Taageero dhan walba ah.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa u Mahad celiyay Wafdiga ka socda Midawga Yurub.

Maamulka uu Hogaamiyo Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf waxaa hor yaalla Arrimo badan oo ay ka mid yihiin inuu la heshiiyo Maamulka Ahlusunna iyo wax ka qabashada Abaarta ka jirta Degaanada galmudug.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.