Home / Somali News / Markabkii lagu Afduubtay Dhawaan Xeebaha Puntland Oo maanta Lasoo Bandhigay.

Markabkii lagu Afduubtay Dhawaan Xeebaha Puntland Oo maanta Lasoo Bandhigay.

Boosaaso–KNN–Dekadda Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta lagu soo bandhigay Markabkii ay qafaasheen koox la sheegay in ay ahaayeen burcad badeeda Soomaalida balse markii dambe lagu guuleestay in laga sii daayo Markabkaasi.

Markabka Arra-13 ayaa dhawaan lagu qafaashay xeebta Caluula ee Puntland, waxaana markabkaasi qabsaday koox sheegtay in ay kasoo horjeedaan sumeynta ay Maraakiibta shisheeye ka wadaan Badda Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/Xakiin Cumar Cameey oo goob joog ka ahaa halka lagu soo bandhigay Marakabkan ayaa ku amaanay ciidamada Badda Puntlnad gacantii ay ka geesteen sidii Markabkaasi loo sii deyn lahaa.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay xoog kusoo furteen Markabka la afduubtay halka Odayaasha degmada Caloola dhankooda sheegeen in waan waan ay sameeyeen lagu sii daayay markabkaasi ay qafaasheen dhalinyaro sheegtay in ay yihgiin Kaluumeesato.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.