Home / Somali News / Meydad hor leh oo Soomaali ah oo laga helay Xeebaha Wadanka Yemen

Meydad hor leh oo Soomaali ah oo laga helay Xeebaha Wadanka Yemen

Wararka ka imaanaya Xeebaha Yemen ayaa sheegaya in Meydadka illaa Shan Qof oo Soomaali ah laga helay Xeebaha Wadankaasi,waxaana Dadkaan la helay ay kamid ahaayeen Qaxooti Soomaali ah oo Jimcihii la soo dhaafay Gantaal lagula dhuftay Xeebaha Yemen.

Qaar kamid ah Soomaalida ku nool Yemen oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in Meydadka Shar Qof oo Soomaali ah laga helay Xeebaha Wadankaas,waxaana jira Dad ku dhow 20 oo Weli la la yahay Nolol iyo Geeri intaba.

Dadka la weysan ayaa la sheegay in ay ka mid tahay Hooyo iyo Labo Carruur ah oo ay dhashay.

Jimcadii la soo dhaafay ayey aheyd markii Doon ay la socdeen Qaxooti Soomaali ah oo doonayay in ay aadaan Wadanka Suudaan Gantaal lagu dhuftay,waxaana dhintay ugu yaraan 42 Ruux Xilligaas.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay in Dowladda Yemen  Isbaheysiga uu Sacuudigu Hogaamiyo ay Masuul ka yihiin Soomaalida Yemen lagu Xasuuqay.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.