Home / Somali News / Puntland iyo Galmudug oo Maanta Tababar u Furay Ciidamo ka shaqeeya Amniga Gobolka Mudug

Puntland iyo Galmudug oo Maanta Tababar u Furay Ciidamo ka shaqeeya Amniga Gobolka Mudug

Gaalkacyo–KNN– Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa Maanta Magaalada Gaalkacyo Tababar uga Furay Ciidamo Isku Dhaf ah oo la doonayo in ay ka shaqeyaan Nabadda Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug islamarkaana ay ku soo laab laabteen Dagaalo soo noq noqday.

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Cameey iyo Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Tababarka loogu furay Ciidamada isku-dhafka ah.

Arrintaan ayaa ka dambeysay Heshiiskii Labada Madaxweyne Ee Galmudug iyo Puntland ay ku gaareen Magaalada Cadaado,Caleemasaarkii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.