Home / Somali News / Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre Oo Lafilaayo in Uu Maanta Ku Dhawaaqo Golaha Wasiirada Cusub.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre Oo Lafilaayo in Uu Maanta Ku Dhawaaqo Golaha Wasiirada Cusub.

Muqdisho–KNN– Wararka laga helaayo Villa Soomaaliya Ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre Uu Maanta Gelinka Dambe Uu ku dhawaaqo Golaha Wasiirada.

Diyaargarowgii ugu danbeeyay ayaa ka socda magaalada Muqdisho xilli la wada sugayo in Golaha wasiirada cusb lagu dhawaaqo saacadaha soo socda.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Liiska Golaha Wasiirada uu yahay mid diyaarsan, iyadoo la soo gaba gabeeyay dhamaan wixii wada tashiyo ee madaxda dowladda ka lahaayeen.

Wajiyo cusub ayaa ku soo biiri doona Golaha Wasiirada, kuwaasoo noqon doona dad qaarkood aad loo yaqaano, xilal aan Wasiir aheyn soo qabtay, waxaana tirada Golaha Wasiirada ay noqon doonaan 25 Wasiir, waxaa sidoo kale la sheegayaa inay jiri doonaan dhowr Ra’iisul Wasaare kuxigeen.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay diiday wax qaabilaad ah wixii ka dambeeya gelinka dambe ayaa u muuqda in albaabada isku soo xirteen sidii liis dhameystiran oo macquul ah u diyaarin lahaayeen.

Si kastaba ha ahaatee waxaa saacadaha soo socda la dhowrayaa in lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada, waxaana dadka indhahooda ku sii jeedaan Madaxtooyada.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.