Home / Somali News / Sama-falayaal laga afduubtay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Sama-falayaal laga afduubtay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Baydhabo-KNN-Wariyaha Idaacadda Kulmiye ee magaalada Baydhabo xarunta gobalka baay Muxudiin Xusni ayaa ku soo waramaya in duleedka magaalada Baydhabo laga afduubtay sama-falayaal ku sii jeeday deynuunaay oo 20 KM dhinaca muqdisho kaga beegan magaalada baydhabo.

Sidoo kale saraakiisha amaanka ayaa sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay meel duleedka ka ah Baydhabo ka afduubteen Shaqaale samafal ah oo ku sii jeeday deegaanka Deynuunaay ee gobalka Baay.

Shaqaalaha la afduubtay ayaa la sheegay in ay u shaqeeyaan Hay’ad lagu magacaabo GREDO oo ka shaqeysa Arimaha samafalka gaar ahaan bixinta Cuntada nafaqada ah.

Gaari ay la socdeen shaqaalahan sama falka ayaa lagu afduubtay inta u dhaxeysa Buurhakaba iyo Baydhabo, waxaana dadka la afduubtay oo ahaa Soomaali ay gaarayeen illaa todobo ruux oo uu ku jiray darawalka gaariga, labo haween ah iyo afar rag ah.

Hey’addan maxaliga ay u shaqeynayeen shaqaalahan la afduubtay ayaa qaabilsaneyd howlaha gar gaarka bani’aadanimada, waxaa ay ka howl galeysay deegaanada koofur galbeed.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka Koofur galbeed oo ku aadan afduubka shaqaalahan.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.