Home / Somali News / Soomaaliland oo si kulul ugu hadashay Mooshinkii Baarlamanka Soomaaliya ee lagu wareejiyay Xukumadda Kheyre.

Soomaaliland oo si kulul ugu hadashay Mooshinkii Baarlamanka Soomaaliya ee lagu wareejiyay Xukumadda Kheyre.

Hargeysa-KNN- Gudoomiyaha Golaha Guurtida Soomaali-land Saleebaan Maxamuud Aadan oo wariyaasha kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa si kulul u Canbaareeyay Mooshinkii Baarlamanka Soomaaliya ay shalay ku wareejiyeen Xukumadda Soomaaliya si ay faah faahin ugu bixiso.

Soomaali-land ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay wada dhibaataynta Hormar uu sheegay in Soomaali-land ay ka gaareyso xariirika caalamiga ah.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Soomaali-land Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa yiri ” Cidna ma hor istaagi karto Heshiiska aan galnay annaga iyo Imaaraadka Dowladda Soomaaliya waxaa dhibaysa hormarka aynu ka gaarnay Dhaqaalaha iyo Siyaasadda”

Baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay joojiyay Doodii ay ka yeelan lahaayeen Mooshinkii horyaalay ee ku saabsanaa Dhismaha Saldhigga Imaaraadka ee Ber Bara waxaana Xukumadda laga doonayaa in ay soo faah faahiso Qodobada Heshiiskaasi.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.