Home / Somali News / War Deg Deg ah:- Ciidamada Somaliland iyo Dhalinyaro Careeysan oo ku Dagaalamay Laascaanood

War Deg Deg ah:- Ciidamada Somaliland iyo Dhalinyaro Careeysan oo ku Dagaalamay Laascaanood

Laascaanood–KNN– Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya inuu ka socdo Dagaal u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo Dhalinyaro Careysan oo ah kuwa Magaalada Laascaanood.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid ka dib markii Galabta Ciidamada Somaliland ay Xabsiga dhigeen ku dhawaad 50 Oday oo ka mida kuwa Magaalada Laascaanood,waxaana la sheegay in Amarka lagu xiray Odayaasha ay bixisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Illaa hadda lama Oga Khasaaraha ka dhashay Dagaalka u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo Dhalinyarada Careeysan ee hadda ka socda Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.