Home / Somali News / War deg deg ah: Ciidan Gadoodsan oo goordhaw la wareegay xarunta Wasaaradda Gaashaan-dhigga ee M/Muqdisho.

War deg deg ah: Ciidan Gadoodsan oo goordhaw la wareegay xarunta Wasaaradda Gaashaan-dhigga ee M/Muqdisho.

Muqdisho-KNN- Wararka aan ka helnay Xarunta wasaaradda Gaashaan-dhigga ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in goordhaw Ciidan gadoodsan oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ay la wareegeyn Xaruntaasi.

Sida aan wararka ku heleyno Ciidamadan gadoodsan ayaa ah kuwa aad u badan oo wata gaadiidka dagaalka, waxa ayna xireen qeybo kamid ah laamiga Warshadaha gaar ahaan Wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xarunta Wasaarada Gaashaandhiga.

Ciidamadan ayaa diiday in laga so baxo ama la galo xarunta Wasaarada Gaashaandhiga, waxa ayna ciidanka sheegeen in ay ka gadoodsan yihiin mushaarkooda aysan helin dhoor bil ayna doonayaan in ay helaan xaquuqda ka maqan.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.