Home / Somali News / War Deg Deg ah:- Dad ku dhintay Raashin Macawino ah oo Degmada Kaxda lagu Boobay

War Deg Deg ah:- Dad ku dhintay Raashin Macawino ah oo Degmada Kaxda lagu Boobay

Muqdisho–KNN– Wararka aanu ka heleyon Degmada Kaxda gaar ahaan Meel u  dhow Xaruntii hore ee Hay’adda Daryeel Bulsho Guud ee DBG ayaa sheegaya in lagu Boobay raashin gargaar ah oo Dowladda Imaaraadka Carabta ay qeybineysay.

Illaa Saddex Qof oo Labo ay Carruur tahay iyo Haeeney Waayeel ah ayaa ku dhintay halkaas,waxaana la sheegay in dadku ay jeereen.

Ciidamo Goobta joogay ayaa la sheegay in ay Rasaas Fureen,iyadoo Dadkii oo Cararaya ay dardareen Labada Carruurta ah oo mid uu jiro 8 Bilood iyo Hooyada Waayeelka ah.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda ayaa Radio Kulmiye u Xaqiijiyey in la boobay Raashin Gargaar ah oo loo qeybinayay dadka Barakacayaasha ah.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.