Home / Somali News / War Deg Deg ah:- Dagaal Beeleed Maanta mar kale ka Qarxay Sh/dhexe

War Deg Deg ah:- Dagaal Beeleed Maanta mar kale ka Qarxay Sh/dhexe

Buula-sheekh–KNN– Wararka ka imaanaya Degaanka Buula-sheekh Ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Maanta Mar kale uu Dagaal u dhexeeya Labo Maleeshiyo ka Qarxay,waxaana Dagaalka uu Sababay dhimasho iyo Dhaawac.

Ugu yaraan Labo Qof ayaa Maanta dagaalka ku dhimatay,waxaana ku dhaawacmay illaa 6 kale.

Dagaalka Maanta ka Qarxay Degaanka Buula-sheeh oo u dhexeeya Balcad iyo Afgooye ayaa Daba socda dagaal Shalay ka dhacay halkaas,waxaana Dagaalka uu Salka ku hayaa Dhul Beereed la isku haysto.

Maamulka Hirshabelle ayaa Ciidamo kala dhex gala Maleeshiyaadka Dagaalamay u diray halkaasi si ay u kala Celiyaan.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.