Home / Keydka Sawirada / War Deg Deg ah:- Hoobiyaal ku soo dhacay Degmada Howlwadaag ee Muqdisho”Sawiro”

War Deg Deg ah:- Hoobiyaal ku soo dhacay Degmada Howlwadaag ee Muqdisho”Sawiro”

Muqdisho–KNN--Waxaa Goor Dhow Tiro Hoobiyaal ah ay ku soo dhaxeen Xaafado ka mida Degmada Howlwadaag Ee Gobolka Banaadir,waxaana mid kamida uu ku soo dhacay Iskuulka Xasan Qariidi,iyadoo la sheegay in Gabar yar ay ku dhimatay Dad kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale Hoobiye ku dhacay Xaafadda Shanta Geed ee isla Degmada Howlwadaag ayaa dilay Hal Qof,iyadoo tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhimashada ayaa gaareysa illaa Labo Qof,waxaana dhaawacu uu ka badan yahay 10 kale,iyadoo Dadka dhintay iyo kuwa Dhaawacmay ay u badan yihiin Haween iyo Carruur.

Goobjoogeyaal ayaa Radio Kulmiye u sheegay  in Hoobiyaasha laga dhex tuuray isla Degmada Howlwadaa ee Magaalada Muqdisho.

16-kii Bishaan ayey aheyd Markii Hoobiyaal laga dhex tuuray Degmada Wadajir,waxaana la dilay Labo Nin oo Hoobiyaashaas Tuurayay.

Faah-faahinta Dib kala soco Insha Allah

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.