Home / Somali News / War Deg Deg ah:- Labo Askari oo Galabta lagu dilay Suuqa Bakaaraha

War Deg Deg ah:- Labo Askari oo Galabta lagu dilay Suuqa Bakaaraha

Muqdisho–KNN– Goobjoogeyaal ku sugan Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Labo Askari oo Xiran Tuutaha Ciidanka Milatariga lagu dhex dilay Gaari Caasi ah oo ay Shirka hore ka saarnaayeen,waxaana Toogtay Labo Nin oo Bastooladley ah kuwaas oo la sheegay in ay Gaariga la saarnaayeen.

Dilka ka dib ayaa waxaa Goobta soo gaaray Ciidan ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo halkaas Baaritaano ka sameeyay.

Dhowr jeer ayaa Magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda iyadoo wata Hubkooda,waxaana dhacdadaas ay noqotay mid soo noq noqotay.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.