Home / Somali News / War deg deg ah: Madaxii Amniyaadka Al-shabaab ee G/Banaadir oo la qabtay.

War deg deg ah: Madaxii Amniyaadka Al-shabaab ee G/Banaadir oo la qabtay.

Muqdisho-KNN-Wasiirka wasaaradda Amniga qaranka Maxamed Abuukar Isloow ayaa Shir deg deg ah oo Guddiga Amniga Qaranka ay Muqdisho ku yeesheen ku sheegay in Gacanta lagu dhigay C/waaxid Khaliif Axmed oo ahaa Madaxii Amniyaadka Al-shabaab ee G/Banaadir.

Warkaan oo hadda soo dhacay ayaa lagu sheegay in sarkaal lagu soo qabtay Howlgal Qorsheysan oo ay Ciidamada Amaanka ka sameeyeen Magaalada gaar ahaan Suuqa Bakaaraha waxaana gacanta ku soo dhigay Ciidamada Xasilinta Muqdisho.

Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in ay guul wanaagsan ay u tahay Ciidamada Amaanka shaqada ay qabateen ninkii ugu sareeyay Al-shabaab ee hogaamin jiray dhalinyarada Bastooladda dadka ku toogta.

Kulanka Golaha Wasiirada oo ah kulan deg deg ah ayaa wali ka socda Magaalada Muqdisho waxaana xoogga lagu saarayaa Amaanka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyadoo lagu wado in laga soo saaro qodob dhinaca Amniga ah.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.