Home / Somali News / War Deg Deg ah:-Maxkamadda Ciidamada oo Saakay Xukun Ridday

War Deg Deg ah:-Maxkamadda Ciidamada oo Saakay Xukun Ridday

Muqdisho–KNN–Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Saakay Xukun Dil ah ku ridday Axmed C/llaahi Cabdi oo lagu helay inuu Dilay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Xukumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyyre oo lagu Magacaabi jiray Alle ha u Naxariistee Cabaas C/llaahi Sheekh Siraaji.

Sidoo kale waxaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay Fasaxday Cismaan Salaad Barre oo Maxkamaddu ay ku weyday wax dambi ah.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida Somaliya Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute,ayaa ku dhawaaqay Xukunka lagu riday Dable Xoogga Axmed C/llaahi Cabdi oo Maxkamaddu ay sheegtay in ay ku heshay Dilkii Wasiir Cabaas.

Wasiir Cabas C/llaahi Siraaji ayaa la dilay 3-dii May ee Sanadkaan,waxaana uu ku dhintay Rasaas ay fureen Ilaalada Hanti-dhowrkii Xilka laga qaaday Dr Nuur Faarax Jimcaale.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.