Home / Somali News / War Deg Deg ah:- Xildhibaanadii ku midoobay Daladda Hor-u socod oo War Culus uga dhawaaqay Muqdisho

War Deg Deg ah:- Xildhibaanadii ku midoobay Daladda Hor-u socod oo War Culus uga dhawaaqay Muqdisho

Muqdisho–KNN– Kulan ay Maanta isugu yimaadeen Xildhibaanadii Maalmo ka hor Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya uga dhawaaqay in ay ku Midoobeen Kudlad lagu Magacaabo Hor u socod oo Maanta Saxafadda kula hadlay Muqdisho ayaa Faah-faahin ka bixiyay Sababta ay Daladaas ugu Midoobeen.

Guddoomiyaha Kudladda Hor u socod Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig oo la hadlay Saxafadda ayaa sheegay in aysan Mucaarad aheyn islamarkaana ay yihiin Xildhibaanno ku midoobay in Dalka horay loo sii wado.

“Anaga waxaan u sameynay Kudladda in laga baxo Nidaamka 4.5 oo loo gudbo Habka Xisbiyadda”ayuu yiri Xildhibaan Xiddig.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.