Home / Somali News / Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo wafdi ay Hogaamineyso oo gaaray Baydhabo.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo wafdi ay Hogaamineyso oo gaaray Baydhabo.

Baydhabo-KNN- Drs Fowziyo Abiikar Nuur oo ah wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka ee Soomaaliya ayaa maanta gaartay Magaalada Baydhabo ee xarunta G/Baay iyadoo kormeer ku sameyn doonto xarumaha Caafimaadka ee Baydhabo oo ay jiifaan Boqolaal dad ah oo la xanuunsan Cudurka Shuban Biyoodka.

Drs Fowziya ayaa ujeedka socdaalkeeda lagu sheegay in ay u kuur galayso xaaladda Caafimaad ee deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed oo ay ka jiraan Cudurka Shuban Biyoodka iyo Jadeecada waxaana la filayaa in dhawaan Dowladda Soomaaliya ay Bilaawdo Adeeg Caafimaad oo deg deg ah kuwaas oo la gaarsiin doono Gobalada Dalka.

Gobalada Bay iyo Bakool ayaa ah meelaha ugu daran oo ay ka jiraan Cudurada Jadeecada iyo Shuban-ka waxaana ku dhintay Boqolaal dad ah halka xilligaana ay la jiifaan dadka kale oo laga deyrinaayo xaaladooda Caafimaad.

 

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.