Home / Somali News / Wasiiro ka tirsan M/Hirshabeelle oo maanta gaaray Deegaanadii lagu dagaalamay ee Hiiraan.

Wasiiro ka tirsan M/Hirshabeelle oo maanta gaaray Deegaanadii lagu dagaalamay ee Hiiraan.

Matabaan-KNN- Wafdi ka kooban Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta gaaray Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan oo ay tuulo hoos timaada ku dagaalameen labo maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada daga.

Wafdigaan ayaa waxaa ka mid ah wasiirka wasaarada dib u heshiisiinta ee Maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) waxayna hada ku sugan yihiin Deegaanka Baanyaaley ee Gobalka Hiiraan.

Dagaalkii ka dhacay deegaankaasi ayaa waxaa ka dhashay qasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii dagaalamay iyo dad kale oo rayid caruur iyo Haween ah.

Mas’uuliyiinta Hirshabeelle ayaa sheegay in aysan ka soo laaban doonin deegaanka Baanyaaley ee Gobalka Hiiraan ilaa ay xal usoo helaan xiisadda taagan ee maleeshiyada ka dhaxeyso.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

Comments are closed.